Nabigu (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

(من فطر صائما كان له مثل أجره غير أنه لا ينقص من أجر الصائم شيء).

(qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa oo kale, mana ka nusqaamayo qofkii soomanaa ajarkiisu).

Waa xadiis saxiix ah oo ay Tirmidi, Nasaa’I iyo Ibnu Maajah ka wariyeen Zayd Ibnu Khaalid Aljuhani.

Xadiiskaan waxaa ku cad in Ilaahay siinayo qofkii afuriya qof sooman ajar la mid ah kan uu siiyay qofka soomanaa. Qofkii afuriya intaa ka badana ajarkeeda ayuu leeyahay. Haddaba walaal soo ina lama gudboona in aynu fadligaas u tartano?.

Walaal waxaa kuu furan siyaabo badan oo aad ajarkaas ku heli kartid, waxaana ka mid ah:

1.      in aad habeen walba gurigaaga ka afurisid qof ama ka badan, qofkaasi ha noqdo qaraabo, daris, saaxiib, musaafir, miskiin iwm.

2.      in aad qoys ama qof faqiir ah siisid afurka soddonka bari ee bisha soonka.

3.      in aad galab walba gaysid masjidka afur. Afurkaas wuxuu noqon karaa mid fudud oo isugu jira: timir, sharaab, sambuus, bur iwm ama wuxuu noqon karaa: casho iyo cabbitaan dhammaystiran.

4.      dadka qaar waxay la heshiiyaan maqaaxi u samaysa afur iyo casho tiro go’an ah oo bisha oo dhan uu dadka ku afursado.

5.      in dad badani isku darsadaan lacag ay dadka ku afuriyaan masjidka ama maqaaxi ama guri; si hawshu ugu fududaato.

6.      waxaa kale oo suurtagal ah in dad badani guryohooda ka soo qaadaan afur oo ay isugu keenaan hal meel oo dadku ku wada afuraan.

 

7.      dadka dibadaha ku nool waxay yeeli karaan in ay usoo diraan dad ay ku kalsoon yihiin lacag dadka loogu afuriyo gaar ahaan meelaha qaxootiyada iyo masaakiintu ku badan yihiin.

Waxaa kale oo faa’ido weyn ah haddii dad badan meel la isugu keeno in la siiyo duruus iyo wacdi inta la afurayo, taas oo iyana ajar weyn laga helayo; illaa qofkii dadka khayr tusa wuxuu la mid yahay kii sameeyaye, sida Nabig (scw) yiri.

Walaal hirgali  fikraddaan adigu, una gudbi walaalaha kale; si khayrku u faafo 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola