بسم الله الرحمن الرحيم

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Saan ognahay soonka la soomo bisha ramadaan waa tiirka 3aad  ee arkaanta islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadli badan,waayo wuxuu kulansaday sabar laga sabro waxey naftu u baahan tahay iyo in  lagu sabro dhibaatada gaajada iyo haraadka, sidoo kale Alle naftiisa ayuu u nisbeeyey soonka wuxuuna balanqaaday in uu ka abaalmarinaayo qofkii sooma.

Soonku Waa sir u dhaxeysa Alle iyo adoonkiisa qof kalena ma ogaan karo. Soonku waa cibaado da´ weyn oo dadkii naga horreeyeyba soomi jireen, waxaana la waajibiyey sanadkii 2 ee hijrada Nabiga (NNKH), waajibinta waxey ku sugantahay kitaabka Alle, sunnada Nabiga (NNKH), iyo ijmaaca muslimiinta.

Xikmooynka soonka waxaa ka mid ah kuwo uu Alle kaligiis ogyahay, waxaana jiro kuwo muuqdo oo iska cad kuwaasna waxaa ka mid ah:
1. cibaado uu Alle noo sharciyeeyey 
2. In uu qofku fahmo in uu yahay daciif u baahan rabbigiis 
3. In ey muslimiintu mid yihiin waayo isku mar ayeey bilaabaayaan soonka
isku marna wey afuraayaan

4.Waxaa isku mid ah oo uu simay soonku qof taajirka ah iyo qofka faqiirka ah.
 
Fadliga soonka bisha ramadaan:
1. Waxaa la furaa albaabada jannada waxaana la xiraa albaaba naarta
2. Waxaa ku jira habeen  camalka la sameeyo uu ka khayr badan yahay 1000 bilood
3. Waxaa la xir-xiraa shayaadiinta.
4.Qofkii sooma asagoo rumeysan wuxuu Ilaahay sheegay,xisaabsanaayana ajar uu Allaah ka sugaayo waa loo danbi dhaafaa             
5. Soonka wuxuu u shafeeca qaadaayaa saaxiibkiisa maalinta Qiyaamo.
6. Qofkii hal maalin u soomo Alle dartiis waxaa laga fogeynaayaa 70 sano naarta.
 
Goormuu bilaawdaa bisha ramadaan?
Saan ognahay soonka waajibka waa bisha ramadaan waxaa is weydiin mudan, goormuu ramadaan bilaabanaaya? Bisha ramadaan wuxuu ka bilaawanaayaa markii la arko bisha habeenka 29 ee bisha shacbaan ama ay bisha shacbaan 30 maalin buuxiso, mana banaano in maalim ama laba maalmood Ramadaanka  ka hor la soomo ( Maalmaha Shakiga) illaa qof hore u soo soomi jiray sunnooyin oo ay kaga soo aaday mooyaane.

Waxaa sunno ah in la suxuurto intaaan la aadimin salaada fajar waxaana suxuurta ku jirta barako siduu Nabiga (NNKH) noo sheegay, suxuurto waxey noqon kartaa xataa xabad timir ah  iyo koob biyo ama caano ah.

Waxyaabaha Soonka buriya :-
Waxyaala soonka jabiya ama buriya , loona baahanyahay qofka muslimka in uu barto siduu iskaga ilaalin lahaa  waa:
1. galmada ula kacda ah ee loo galmooda xaaska xilliga maalinkii ah ee la sooman yahay
2. biyaha (shahwada) oo ka yimaada qofka  ciyaar darteed ama uu isagu iska keenay 
3. cuntada iyo cabitaanka oo si kas ah loo cabo 
4. mataga oo  kas la iskaga keeno
5. dhiiga caadada iyo dhiiga dhalmada
6. waali uu qofku waasho

Goorma ayaan  loo baahneyn in uu qofka muslimku soomo?
Maadaama diinteenu ay tahay mid naxariis badan Waxaa jira xaalado aan  qofka looga baahneyn in uu soomo waxaana ka mid ah xaaladahaas:  
1. Qofka xanuunsan
2. Qofka musaafirka ah, safarka waa banaantahay in uu qofku iska afuro,
sidoo kale waxaa u banaan in uu soomo.
3. Gabadaha dhiiga xaydka ku dhacay iyo gabadha umushay oo dhiiga dhalmada ka socdo. 
 
Waxaa jiro maalimo eysan  banaaneyn in la soomo sida uu Nabiga (NNKH) cadeeyey, maalmahaasna waa:
 
1. Ciidul Fitri iyo ciidul Adxaa maadaamo ay yihiin labo maalin oo ay  muslimiintu farxaayaan
2. Maalinta Jimcada kaligeed, in laga hormariyo ama laga dib dhigo maalin mooyaane
3. 3 da maalmood ee ka danbaysa maalinka 10aad ee dilxija ee ciidweynta, waana maalmo farxad oo cabitaan iyo cunto ( Maalmaha tashriiqa)
4. In la soomo sanadka oo dhan oon maalina laga afurin
5.. In la soomo maalinta laga shakiyo in ay ramadaan tahay illaa qof soo soomi jiray soon sunno.
6. In la soomo maalin sabti kaligeed illaa in lala soomo maalinta axada.
7. Sidoo kale gabadha ma u banaano in ay soonto soon sunno ah niinkeedoo joogo illaa uu ninkeeda u fasaxo.
 8. Waxaa xaaraan ah in la isla xaariiriyo 2 maalin soonkeed asagoo uusan  qofka afurin.

Aadaabta soonka
 
Waxaa jira waxyaalo looga baahanyahay in qofka soomaaya in uu la  yimaado waxaana ka mid ah:
1. In uu suxuurto, wakhtigeedana uu dib dhigo.
2. In uu lamyimaado duco wakhtiga afurka, ducadaasna larajaynayo inay tahay mustaab..
3. In uu iska ilaaliyo waxyaalaha buriya soonka.
4. In uu cadeysto, hadduu dareemo isbadal riixada afka..
5. In uu ku dadaalo cibaadada iyo sameynta camalka wanagsan 10ka dambe ee ramadaan sida ictikaafka.
6. Quraan akhriska in labadiyo, akhrin iyo tadabur iswata..
 
Baraarujin:

Waxaa jiro waxyaalo dadka u maleynayaan hadduu qofka sooma la yimaado inuu Sonónka kaburayo, lakiin sida saxda ah ay tahay inay waxba udhimayn soonka, waxyaalahas waxaa ka mid ah:
 
1. In biyo madaxa la iskaga shubi karo, lana qubaysan karo.
2. In la dhunkan karo xaaska haduu qofka naftiisa ka adagyahay.
3. In la samaynkaro Sandaarsi iyo af luq-luqkhasho adoon ku xeel dheeraanayn.

4. In la cadayankaro hadduu qofka dareemo riixada afka oo isbadashay 

by fatxusalaam

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola