Waaxyaabaha laga rabo qofka dhalinyarada ah Qeebta 2aad ee fatxusalaam
Qaybtii hore waxaan wax ka soo tilmaamnay acmaasha soonka, sida ay waajibka u tahay in qofka dhalinyarada ihi ka faaidaysto wakhtiga uu haysto iyo sida loogu baahan yahay in nafta loogu tababaro khayrka.
Qaybtan insha Allaah waxaynu kaga hadli doonaa waxyaabaha looga baahan yahay qofka dhalinyarada ah inagoo wax ka tilmaami doona siyaabaha ugu haboon ee qofka Dhalinyarada ah uu naftiisa tababar fiican u siin karo bishan Ramadan.
Ugu horeyn qofka dhalinyarada ahi waa in uu iska ilaaliyo wax kasta oo uu ka murugoon doono samayntiisa waxaanay tahay xaaraamta samaynteeda. Allaah subxaanahu wa tacalaa waxa uu inoo abuuray in aan caabudno, cibaadada waxa ka mid ah markaasi, in aynu ka tagno wax kasta oo Allaah ina faray ka-tegistiisa, waxa waajib ina saaran ah;in aynu ka tagno dhammaan waxyaabaha Ilaahay diiday sida: shirkiga oo ah cibaadada Ilaahay oo cid kale lala wadaajiyo, sida: in aad cid is tusto, is maqashiiso ama niyayso in lagu ammaano amma wax la mid ah.
Dunuubta oo idil ahaanteed laga dheeraado sida; zinada , waxyaabaha maanka dooriya, khamaarka noocyadiisa kala duwan, xanta, isku-dirka, kibirka, isla-waynida, nacdasha, tuugada, beenta, khiyaamada, waxkhtiga oo la lumiyo laguna lumiyo sida: films, games, shax, dubnad iwm.
.
Allah cazza wa wajal wuxuu ka xarimay qofka muslimka ah waxa la yidhaahdo macaasida,qofka Dhalinyarada ah hadaba, waa in uu iska jiro macaasida oo abaal-marinteedu tahay cadaab iyo ciqaab(Allah ha naga badbaadiyee).
Sidoo kale qofka Dhalinyarada ah ee Muslimka ah waa in uu ka digtoonaado waxa soonkiisa kharribaya kana hor joogsanaya waddooyinka khayrka khaas ahaan bisha Ramadaan,
Nabiguna (caleyhi assalaatu wasalaam)waxa uu yidhi: ((qofka aan ka tagin hadalka xun iyo ku camal-falkiisa, xanta iyo wixii soo raaca, Allah waxba ku fali maayo in uu ka tago cuntadiisa iyo cabitaankiisa)) waxa hadaba muhiim ah walaalayaal,in aynu maskaxda ku hayno sida kali ah ee aynu ku liibaanaynaa in ay tahay in aynu u hogaansanaano awaamiirta Rabi subxaanahu wa tacalaa oo aynaan isku halleyn aduunka iyo xaaladihiisa amma aynaan u fahmin wakhtiga dhalinyaranimadu in uu yahay wakhtigii{raaxada,cayaarta iyo madadaalada}.
Bisha Ramadaan oo khayrka la laasimo laguna dedaalo acmaasha wanaagsani waxay u dhigmi kartaa;in qofku markasta wanaagga joogteeyo,haddaad haddaba walaalka Dhalinyarada ahoow tahay mid bisha Ramadaan iyo wanaageeda dareensan,haddaad tahay mid is bedel naftiisa ku sameeyay markay Ramadaan bilatay oo aad ka gaabsatay waxyaabihii kuu caadiga ahaa Ramadaan horteed,
waxaad ogaataa in aad jidkaas aad hadda ku taagan tahay ee quruxda badan aad xejisan karto biidnillah,sababtoo ah: markaad soontay ee aad ka soo jeedsatay muuqalladii hore kuugu muuqday,sida; is illowgii,ciyaartii,qaadkii, sigaarkii heesaha oo la dhegaysto iyo waxyaabihii soo raacayay, ka dib arimahaas markaad ka joogsatay bishan Ramadan oo aad halkoodii galisay in aad soonto,salaadaha jamaca ku takato,ducaysato khayrka u taagnaato oo Ilaahay isku dhul-dhigto,sow maaha run in aad sameyn kartay arimahan ka horba?
Sidoo kale,sow maaha khasaare iyo dullinimo in aad arimaha laga yaabo hadda in aad ka tagtay in aad dib ugu noqoto Ramadaan markay baxdo? Miyaanay kuu caddaan Shabaabka Muslimka ahoow in aad nafta xakamayn karto sidaad hadaba sameynayso? Haa waa wax fudud sida aad imikaba markhaatiga ka tahay.
Waxa looga baahan yahay Shabaabka Muslim ah,in uu ilaaliyo nafta adaabteeda kana dheeraado adeecista iyo u hogaansamidda shahwaatka nafta. Waxa xaq kugu ah in aad ahaado mid ay qalbigiisa ku wayn tahay diintiisu oo aan khalad ka fahmin waxa ay tahay asluubta iyo nolosha Dhalinyaronimada.
Nafta waxaad ku tababari kartaa khayrka,waxaad ka rari kartaa waddooyinka sharka (biidnillaah) waxaanad ku gaadhi kartaa in aad Ilaahay cabsidiisa,xuskiisa iyo sida uu ku faray ku adkaysato.
Markaad laylyayso nafta waxaad u baahan tahay in aad sameyso goaan,juhdi iyo hurid waxkastoo ku haboon.
Tabbabarka nafta markaan leenahay maaha in aad tahay mid naftiisu aanay tarbiyad lahayn oo la carbinayo laakiin waxa weeye ku toosinta nafta toobiyaha wanaagsan.
Insha Allah waan sii wadi doonaa sida nafteenu ugu baahan tahay tababarka iyo tusaale ahaanshaha Bisha Ramadaan