Assalamu caleykum wa raxma tullahi wa barakaatuh.
dhamaan mahad waxa iska leh Allaah,Allaha abuuray dhamaan Makhluuqa kuna sheegay Kitaabkiisa Quraanka ah in uu u abuuray Insiga iyo Jinka inay caabudaan caabudistaas oo keen sanaysa in ay Allah wayneeyaan isuna dhul dhigaan iyagoo rajeynaya abaal-marin kana cabsanaya ciqaabka iyo cadaabka Ilaahay. waxaan amaanaynaa Allaahna u waydiinaynaa inuu amaano Nabi Muxamad,(calleyhi assalaatu wa salaam)
waxaan Allaah u waydiinaynaa in uu u naxariisto Saxaabada Rasuulka iyo ehelkiisa oo ah ciddii qaraabada la ahayd Nabiga(scws) ee Islaamka ahayd,intii xaqa ku raacday iyo cid kasta oo imanaysa dabadii iyagoo rumaysan Nabiga{salla-laahu calleyhi wa sallam}
intaa kadib,
Mawduuca Ramadaanta iyo Dhalinyarada waxaan uga hadlaynaa in aan is xasuusino iskuna baraarujino fadliga aadka u weyn ee ay leedahay Bisha barakaysan ee Ramadan.
Allahuma lakal-xamdu bil-Islaam,walakal xamdu bil-quraan wa lakal xamdu calaa nicaamika wa ilaaik,,
Awalan walaalayaal, waxaan Rabi subxaanahu wa tacalaa ugu mahad-naqaynaa nicmooyinka faraha badan ee uu inagu manaystay..Allah waxaan ugu xamdi-naqaynaa nasiibka iyo fursadda uu inagu soo gaadhsiiyay bisha Ramadan.
Waxaan maanta wax yar iskaga tilmaamaynaa acmaasha soonka.
Allaah waxa uu inagu adoonsaday cibaadaad kala duwan, waxaanay taasi ku dhacday xikmada uu Allaah ka leeyahay in uu Adoomihiisa imtaxaamo sida uu Allah yidhi:
(si la idiin imtaxaamo kiinna camal fiican la yimaadda)
Markaas, Allaah cibaadaadkaas uu inagu waajibiyay waxa ka mid ah soonka.
Sikooban haddaan u sheegno:soonku waa in laga joogsado waxyaabaha qofka soonka ka jabiya laga bilaabo waaga barigiisa iyo gabalka dhicitaankiisa.
xukunka soonka
soonku waa waajib waana tiir ka mid ah tiirarka shanta ah ee Diinta Islaamka Allaah ayaana caddeeyay ku caddeeyay aayaadkiisa Quraanka ah ee faraha badan waxaanu leeyahay axkaam iyo usluub u gaar ah.
Waxaan hadaba tilmaamaynaa faaidooyinka Soonka iyo sida loogu baahan yahay qofku in uu uga faaidaysto wakhtiga Ramadanka.
Dhalinyarada markaan ka hadlayno iyo qofkasta oo Muslim ahba, bishani waxay u tahay tababar(tazkiyah ama tarbiyah) tababar markaan leenahay waxa weeye;
Waa bishii Ibliis la xidhay, waa bisha caafimaadka, cibaabada, juhdiga u taagnaanta khayrka iyo xasuusta. Waa bishii uu soo degay Quraanka kariimka ah, waa bishii naxariista,danbi-dhaafka iyo naarta oo la iska xoreeyo. Sidaas darteed walaalka Muslimka ahoow/walaasha Muslimadda ahayeey,xasuusteenna inyar haddaan dib u milicsano imisa ayaan fursadan helin sida aad adigu hadda u heshay? Imisa Ramadaantan Ramadaanteedii innala soomay,inala wadaagay nolosha oo hadda hoyga Aakhiro jira? Sow in badan maaha?
Haa waa in badan, inaguna waxaynu nahay dhammaanteen kuwo sugaya geerida! Sow markaa ma haboona in aan ku cibro qaadano isna dareensiino wakhtiga iyo fursadu siday qaaliga u tahay?
Hadaba walaalahayga Dhalinyarada ahoow; Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa nicmada wakhtiga ee uu ina siiyay waxa haboon in aan ugu shukrino kana faaidaysano,waxa waajib ah in aan Tababarka qaadano una qaadano sida ku haboon,Tababarkuna maaha in aad baratid kaliya balse waa in aad qaadato oo dhaqangaliso..Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa wuxuu ina siiyay wakhti;(cimri) waana la ina waydiin doonaa sidaan wakhtigeenii uga faaidaysanay maalinta la is xisaabin doono....hadda waxaynu galnay bishii barakaysnayd ee Ramadaan Allah khayrkeeda ha ina siiyee,midkeenna ma hubo in uu gaadhi doono Ramadaanta xigta xaqiiq! Hadaba sow ma aha in aan hadda sameyno wax kasta oo aan ku helli karno Ilaahay jannadiisa,naxariistiisa,danbi-dhaafkiisa iyo ka raali ahaanshihiisa?.
Dhalinyarada markaan eegno,waxa inta badan dhacda wakhtiga Ramadaanta in ay xasuustaan marka la gaadho bisha barakaysan ee Ramadaan,balse inta badan way yartahay cid ka hor Ramadaanta u sii diyaar-garawda Bishan wayn! Way fiicnaan lahayd qofkastana u khayr badnaan lahayd in lagu sii xisaabtamo bisha Ramadaan intayna bilan ka hor,sida in aad sii qorshaysato waxyaabihii aad kaga faaidaysan lahayd,sidaad u habaysan lahayd jadwalkaaga,ugu dedaali lahayd acmaasha wanaagsan oo dhan iyo arimaha la midka ah.
haddii aad tahay qof Dhalinyaro ah oo bishii Ramadaanna u soo gashay,sow ma tihid mid nasiib badan leh? Haa alxamdulilaah waan nahay kuwo nasiib leh Allah Swt waxaan ka dalbanaynaa in uu inagu hanuuniyo hanuunka saxda ah.
Walaalayaal wax kasta ka hor amma ka dib,waxa ina saaran waajib diini ah,sidaas awgeed waa in aan ogsoonaano;wakhtiga aan dhalinyarada nahay in ay tahay wakhtiga ugu haboon ee aynu Tababarka si fiican u qaadan karno,isla mar ahaantaana waa in aynu yaqiinsano in ay tahay fursada ugu muhiimsan ee nafta lagu tababari karo acmaasha saalixa ah.
Insha Allah mawaadiicda dambe waxaynu kaga hadli doonaa sida ugu haboon ee ay tahay in ay Dhalinyaradu tababarka u xifdin karaan