Qofka Muslimka ah waa mid ay noloshiishu hadaf iyo ujeeddo leedahay,waana mid ay u xisaabsan tahay natiijada ka dambeysa nolosha caalamkan amma dunidan,sidaas darteed xilliyadda ama wakhtiyaduna waxay raad ku yeeshaan qaab-nololeedkiisa caadiga ah,haddaba, walaalka shabaabka ah ee Muslimka ah ama muslimada ah,bisha Ramadaan ee barakaysan maxay tahay inay ku soo kordhiso noloshaada caadiga ah marka laga tago soonka?

sidoo kale maxaa ku fiican in aad ka qaadato dabeecad ahaan Ramadaanta oo aad wakhtiyada kale(wakhtiga aan ramadaanta ahayn) u baahan tahay in aad dabaqdo?.

waxa mudan qofka muslimka ahi in uu is waydiinayo waxa ay tahay Ramadaan in ay ka badasho noloshiisa...

waxa ay tahay bishan Ramadaan bil aad ka nasanayso cadawgaagii, waa bil aad sahay qaadanayso waana bil aad u hub�urursanayso cadawgaaga si'aad iskaga celiso iskagana difaacdo cadawgaaga weyn (Shaydaanka) maxaa yeelay waxa uu Rasuulku {calayhi assalaatu wasalaam} yidhi: "hadday bisha Ramadaan soo gasho waxa la furaa albaabada jannada, waxaana la xidhaa albaabada naarta waxaana la xidh-xidhaa Shayaadiinta kuwooda madaxa ad adag"

markaa, maadaama ay tahay sidaas oo cadawgii laynaga xidhay bishan barakaysan ee Ramadaan kaliya aan u hub qaadano sidaan difaac adag u sameynsan lahayn, sidii uu cadawgeenu inagaga tagayna aan wax iska bedelno oo innaga oo awood leh aan wajahno cadawgeena si aan uga adkaanno Allaahna waa siduu ina faray siduu ku yidhi Qur'aanka:

((shaydaanku cadow ayuu idiin yahaye cadow ka dhigta waxa uuna ugu yeedhaa asxaabtiisa naarta saciira))

Hadaba waxa haboon tahay inaan bedelno hab-nolodkeenii hore si aanu Shaydaanku inoogu soo xaadirin inagoo is-moog!

  • Salaaddu waa tiir ka mid ah tiirarka islaamka waana waajib in aad ilaaliso haddii aadan tukan jirin Ramadaanka ka hor oo Allaah ku waafajiyay Ramadaanka dhexdeeda, waa in aad sii waddo daai'mtaana hadii kale waad khasaari haddii aad Ramadaanka la baxdo oo aad cibaadaadkii ka hadho Ramadaantu marka ay baxdo. haddii aad tahay qof salaada ilaaliya oo ku dedaala laakiin aan jamaacada kula tukan jirin Muslimiinta haddii aad tahay nin, waa in aad ku dedaasho in aad jamaca tagto waayo, jamaacada oo dib looga dhacaa waa arrin xaaraam ah Allaahna(subxaanahu wa tacalaa) ma ogola salaad qof aan jamac ku tukanayn isagoo awoodaya!
  • qofka muslimka ahi waa in uu nafta eego xaaladaheeda mar kastana ku dedaalo daacada Ilaahay(cazza wajal) iyo adeecista rasuulkiisa {salla laahu calleyhi wasallam}

NAFTU WAXAY U QAYBSAN TAA SEDEX QAYBOOD.

1. Naf qofka muslimka ah faraysa wanaagga, ku xasilloon khayrka, jecel samaynta wanaagga aan ka daalayn mar kaliya inay ku dhex jirto wanaagga iyo xuska Allaah(subxaanahu wa tacalaa) waana ta uu Allaah ku tilmaamay Qur'aanka ee uu yidhi:
((nafyahay xasiloonayd ee ku xasiloonayd dikriga Alle iyo diintiisa u noqo Rabbigaa adoo raali ah raalina lagaa yahay)) waa nafta janada galaysa Allaahna u yaboohay ka raali ahaanshihiisa!! {Allaah ha innaga yeelee)

2.nafta labaad, waa nafta canaananaysa qofka ay ku jirto oo odhanaysa samee wanaag, maxaad u samaysay xumaanta? waana nafta Allaah uu ku dhaartay wuxuuna yidhi Rabbi:
((waxaan ku dhaaranayaa qiyaamaha waxaan kaloo ku dhaaranayaa nafta qofka ay ku jirto canaanata))

3.nafta sedexaad,waa nafta qofka faraysa xumaanta Allaahna waxa uu qur'aanka ku yidhi: ((naftu waxay faraysaa qofka xumaan illaa qof Allaah uu u naxariistay mooyee)) Allah ha inoo naxariisto,danbigeena ha dhaafo hana inaga yeello kuwo guulaysta..

Ugu dambeyn, walaalka Muslimka ahoow/walaasha Muslimada aheey, Ramadaantu xaalkaagii hore wax ha ka bedesho adigoo Allaah tallo saaranaya Allaahna(subxaanahu wa tacaalaa) wuu ku garab-gali hadaad niyo fiican la soo xaadirto.

Allaah waxaan ka baryaynaa in uu dariiqa xaqa ah inagu sugo.

Amiin amiin amiin 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola