SOO DHOWEYN DIIRRAN YAA RAMADAAN oo kusoo dhweynayyaa walaalaha fatxusalaam soo BooQdo.

Maalmaha iyo bilooyin kuba waxay soo laab laabtaanba haatan waxaa na soo martiyay bishii kheyrka cisada iyo sharafta badneyd ee Ramadaan taaso dadka Muslimka ah inta badan ay siweyn usoo dhaweyeen haatan .

Waana hubaal in bishaan ay tahay marti culus oo aad u qiimo badan, taasoo mudan in si fiican loo soo dhaweyo, sidoo kale Ramadaanku waxa uu yahay
munaasabad cibaadeed aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomada ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaal marka iyo xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaas.

Walaalayaal, waa lagama maar maan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan.
Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba aan haleelin bisha ramadaanka.
hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro labadaasii tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (sw).

Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoo si farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan ee walaalayaasha gabadhaha ama wiilasha  ku tixan fatxusalaam waxaan leenahay Ramadaan kariiim fadlan tahniyadaada Ramadaan iyo farxadaada nagu soo dir hoos fadlan buux buuxi jzk 

farxadaada Ramadaanka fadlan buuxi formulierka

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola