Nadiifi Qalbigaaga waa isbedelka ka liya noolashaada
Qaybihii hore ee qormadan waxaan kaga soo hadalnay fursadaha badan ee uu haysto qofka muslimka ah bisha ramdaan si uu naftiisa wax uga baddalo, sidoo kale waxaan ka soo hadalnay iska joojinta qaadka iyo sigaarka qaybatanna waxaan kaga hadlaynaa nadiifinta qalbiga.
Qalbigu waa xubinta ugu muhiimsan xubnaha jidka insaanka nabigana waxaa laga wariyay inuu yidhi hadal macnihiisu yahay: “ jidhka waxaa ku jira xubin haddii uu wanaagsanaado jidhka oo dhami wanaagsanaado haddii uu xumaadana jidhka oo dhami wada xumaado waana qalbiga”.
Qalbigu waa meesha iimaanku ku jiro ilaahayna addoonkiisa ka eego aakharana waxaa badbaada qofkii qalbi fayow la taga ( يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى اله بقلب سليم) qalbiyaduna waxay isugu jiraan kuwo buka iyo kuwo bad qaba sida xubnaha kaleba, sidoo kale waxaa jira qalbi nadiif ah iyo mid wasakhi buuxisay.
Qofka muslimka ah waxaa la gudboon in uu bisha ramadaan qalbigiisa u guur galo oo uu ugu hormariyo meelaha uu nadiifinayo, sidoo kale qalbigu wuxuu mudanyahay in loo daaweeyo si ka muhiimsan daaweynta xubnaha kale marka ay jirradaan.
Qalbigu wuxuu u baahanyahay in laga nadiifiyo caqiida xun iyo khurafaadka iyo sheeka baraalayda la moodayo inay diin tahay ee aan diinta ahayn, sida awliyo tuugga, qabri wax moodka,saarka, booranaha, jinni aaminaadda, rumaynta kitaab gaab lowyada iyo faaliyayaasha isku sheega inay maqanta( qaybka) wax ogyihiin.
Qalbiga cudurada noocaas ah wax ka qaba wuxuu u baahanyahy in si dhakhso ah loo dabiibo oo towxiidka lagu qulaamiyo si aafada shirkigu uga baxdo oo uu daahir u noqdo.
Sidoo kale qalbigu wuxuu u baahanyahay in lagala tacaalo qasadka iyo niyada xun sida ikhlaas darrada, is tustuska, iyo ha lagaa sheegada, kuwaas oo camalka qofka ka dhiga waxba kama jiraan aan caaqibo lahayn, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu niyadiisa saxo bisha ramadaan ee qalbigu qoyanyahay, maxaa yeelay shay walba markuu qoyanyahay ee uu jilicsanyahay ayay toosintiisu sahlantahay marka uu qalalanyahay ama qalafsanyahayna waxaa dhacda inuu jabo haddii la damco in toosiyo. Cudurada halista ah ee qalbiga baabi’ya waxa ka mid ah xasadka,iyo xiqdiga loo qaado qofka muslimka ah kuma sii jirto haddii uu saaxiib ama qaraabo yahay, qofka mulimka ahna kuma habboona in qalbigiisu qashin qub noqdo lagu uruuriyo intii reer xumaysa, waana in lga ilaaliyaa inuu noqdo bahala galeen madow oo daxaleystay. Waa fool xumo in qofka muuqaal ahaan nadaafadi ka muuqato jidhkiisa iyo dharkiisaba, qalbigiisana aan waligii laga nadiifin wixii qashin ahaa ee galay ilaa waagii uu dhashay, waxaana mudan in colaadda, karaahada, ciilka iyo hurgumada sifiican maanta oo kale qalbiga looga tirtiro (delete) lana baabi’iyo dhammaanba faylashii ay qashinkaasi ku jireen, si qalbigu u iftiimo xaqana ugu fahmaysto. Qofka muslimka ahi waa inuu laabtiisa dhaqaa bisha ramadaan oo uu iska cafiyaa ciddii ay wax dhex mareen ilaahayna waa inuu ku baryo ducadii nabigu ilaahay ku baryi jiray “ ilaahayoow qalbigayga huqdiga ( xiqdiga) ka siib”.
Qalbi saafinamada iyo inaan qof muslim ah xumaan loo haynin waa camal ka mid acmaasha lagu helo jannada ilaahay, sida laga wariyay cbdullaahi ibnu camr ibnil caas nabiga ayaa sheegay صلى الله عليه وسلم in uu masjidka soo gali doono nin ahlu janno ah ka dib waxaa soo galay nin qoyaan weyso ka muuqdo, cabdullaahi ayaana ninkii gurigiisa habeenno ula hoyday bal si uu ugu kuur galo waxa uu jannada ku mutaystay, haddii uu u fiirsadayna kuma uusan arag soon ama salaad uu is yidhaahdo way badantahay markaasuu waydiiyay, waloolow nabiga ayaan maqlay isaga oo sheegay inaad ahlu janno tahay camal badanna iigama kaa muuqdoee maxaad ku heshay, markaasuu ugu jawaabay camal intaa aad aragtay ka badan ma hayo laakiin habeenkii waxaan hoydaa aniga oo aan qof muslim ah laabta waxba ugu haynin, cabdullaahi ayaa markaas yidhi waa taas midda aan la gaadhi Karin.
Si aad khayrkaas u gaadhid xalay dhalay ka noqo wax alle wixii aad xumaan u kaydisay qof muslim ah o walaalkaa ah maantana fursad baad haysataaye yayna ku dhaafin oo qashinka iska qub