بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله، وعلى آله وصحبه ومن والاه.   

 Waxaa la yiri: dadku waxay raadinayaan badanaa iskuma khilaafsana, oo waa nolol wanaagsan, laakiin waxaa la isku khilaafsan yahay sidee loo helaa, xageese laga helayaa?.

     Annagu haddaan muslimiinta nahay, waa in aan go'aansanno in aan nolosha wanaagsan u raadinno kana raadinno, habka uu noo tilmaamayo islaamku, oo ah in la qaato waxa Ilaahay na amray, lagana fogaado waxa uu naga reebay, ayadoo loola jeedo dar Alle, nabigana (sallallaahu calayhi wasallam) looga dayanayo; waayo,diin dan gaar ah laga leeyahay ama ku dhisan duur-xul laguma daawoobayo.

     Waddadaas marka lasoo kobo waa waxa loo yaqaan Alla ka cabsi ama taqwo; si taqwo loo helo waa in la qaato koorasyo dheer, lana galo dhibbow aan dhammaanayn oo marba dhinac ah; waayo,waxa la daawaynayo waa nafta insaanka, oo laqdabadeeda ku dhex qarinaysa lakabyadeeda, oo ay ka go'an tahay: inaysan quusan, aysanna qadin, diin la'aan waa sida ay rabto, haddii la waayana, diinta ayay qasaysaa kuna dhex adeeganaysaa . 

      Baahi wayn ayaa loo qabaa caalam ahaan, muslimiin ahaan iyo soomaali ahaanba in nafta lala tacaalo; waayo,waxa dhibka wada meel kasta,waa nafsad qalloocan oo daawada Ilaahay aan qaadan ama si xun u isticmaashay oo ku sumowday. 

     Naxariista Ilaahay waxaa ka mid ah in uu noo sameeyay munaasabado nafta si gaar ah loogu daaweeyo, oo ay kamid tahay bisha Ramadaan iyo soonkeeda; si loo helo taqwo, loona xakameeyo naftaan xad gudubtay, oo markaas ay soo baxaan ragga la rabo, waana waxa Ilaahay u jideeyay cibaadada, gaar ahaan soonka, bal wax yar aan ka eegno. 

     *insaanku wax badan ayuu qabtaa, wax badanna waa higsanayaa; sidaas darteed, dhinacyo badan ayaa doonaya in uu u shaqeeyo una adeego, oo ay koontoroolaan  dhaqaaqiisa, istaagiisa, jacaylkiisa, nacaybkiisa, fakarkiisa iyo ujeedooyinkiisa, ayna maskaxda ka qabsadaan ilaa uu u huro naftiisa iyo maalkiisa. 

     Soonku wuxuu na barayaa: Allaah dartiis,  kaliya wax u samee, cid kale meel iska dhig; waayo, soonku waa cibaado qarsoon, kana dhaxaysa addoonka iyo Allaah, dadkuna aysan ka ogaan Karin wax badan, lana khiyaani karo, taasi waxay ku baraysaa in aad Ilaahay kaligi la tacaamushid, arinkaasuna kuu noqdo (diinamada) ku dhaqaajinaysa, kuguna abuuraysa xamaasad iyo firfircooni,oo aadan ku xirnaan (jaajgarayn) kaaga imaanaysa dad la joogga iyo bulaan raaca. 

     Ikhlaasku diinta meel weyn ayuu kaga jiraa, noloshana qiimo gaar ah ayuu u leeyahay; waayo, wuxuu na barayaa xil-kasnimo qof kasta ku gaar ah, oo maanka ku haysa qabri iyo qiyaame iyo howshaan Ilaahay makuu diray, dartiisna ma u qabanaysaa. 

     Waxaan isleeyahay, haddii dareenkaas uu jiri lahaa awood iyo dhaqaale badan ayaa noo baaqan lahaa, waxaana aad uga fiirsan lahayn dhiigga daadanaya iyo ummadda burburaysa, annagoo iswaydiinayna: ma sidaan buu Ilaahay noo diray?, (shubhad) se maka maran tahay, dar Alle se ma naga tahay, qiyaamaha lays waydiinayo qori caday (rumay) ah, miyaan dhiig dad qoorta u ridanaynaa!? 

     Ragga la rabo, Allah ha naga dhigee, waa kuwa ka walwala su'aasha aakhiro, kana dheeraada wixii madmadow ku jiro, ayagoo oranaya: waxa la hubo ayaa badan, budadayda maxaa buunshe ku daray, bannaanki mare maradiisa geed ma qabsado. 

     *bishaan waxaa loo yaqaan bisha sabarka; waayo, waxaa lagaa af-qabanayaa xalaashii, xaaraan warkeed haba sheegin; si aad u noqotid geed adeyg, taasuna waxay muujinaysaa qiimaha sabarku u leeyahay insaanka, sabarka la'aanti waa: waxaa rabtid samee, waxaa rabtid boob, ciddaad rabtid khaaraji, waxaa rabtid cun oo cab, wixii maankaaga ku soo dhaca ka dhabee, taasuna waa tilmaanta koowaad ee xayawaanka,waana waxa muslimiinta meesha dhigay, oo xattaa aysan diyaar u ahayn in ay ku sabraan nidaamka adduunka, haba yaraadee. 

     Waxaa la yiri: nin yahuud ah ayaa arkay fowdada muslimiinta iyo wax kala boobkooda, markaas ayuu yiri: muslimiintu ama carabtu,waxay naga adkaanayaan markay bartaan miilaysiga, safka iyo xaq-dhowrka qofka kaa soo horreeyay. 

     Fowdadu waxba nooma reebin,waxay ka soo billaabatay xarig-markii ceel shubidda, waxayna soo gaartay diintii, dacwadii iyo dowladnimadii. 

    Si looga baxo fowdada, loona helo ragga la rabo, Bisha ramadaan,waxay nagu tababaraysaa inaan ka sabarno wax aan xaq u leenahay, iska dhaaf inaan raadinno wax aanan xaq u lahayne, waatii xadiithku ahaa: qofka sooman haddii la caayo ama lala dagaalamo, ha ku jawaabo: anigu waan soomanahay.   

 Hufnaantaas sare waxaa lagu waardiyaynayaa darajada ka hoosaysa oo ah: in laga sabro wax aadan xaq u lahayn, haddii darajadaan la gudbana waa dambi iyo dulmi.

     Bal ka fakar haddii la isticmaali lahaa mid ka mid ah labadaas darajo, ma jiri lahaa dhibka maanta soomaali haysta!? subxaanallaah !! xalku dhawaa, haddana dheeraa. 

     Culimadu waxay yiraaheen: sabarku waa saddex: " daacada Ilaahay oo loo sabro, macaasida oo laga sabro, qadarta Ilaahay oo lagu sabro", daacada oo loo sabro waxaa ka mid ah, in loo sameeyo sidii Ilaahay u jideeyay oo nabiga (calayhisalaatu wasalaam) laga dhaxlay, saxaabaduna ka fahmeen. sidoo kale qadarta oo lagu sabro waxaa ka mid ah, in looga baxo sida shareecada waafaqsan, Ilaahayna kownka ku maamulo; waayo, mar mar ayay xamaaso dadka qaaddaa, oo loo sabri waayaa waddadii dheereyd ee sunnada ahayd, ayadoo la isleeyahay: halkaan ayay ka dhowdahay, oo ay kasoo dhalanaysaa ee ku dhifo. 

Runtu waxaa weeye, wixii khilaafsan sunnada ma dhashaan, hadday dhashaanna waa dhicisoobaan,wax badanna laguma dheefo, waxaana meel u yaalla, kuna filan xadiithkii oranayay: ( qofkii nacaa sunnadayda, iga mid ma aha), horaana loo yiri: wax badso,wax-beel bay leedahay.

     *waxaa muhim ah, qofku in uu awoodda Ilaahay siiyay fahamsan yahay; si uu oga faa'iidaysto, waana inuu iska ilaaliyaa in ay baacsadaan naf iyo shaydaanku,oo ay ka dhigaan fadhiid, ayagoo oranaya: haddaad soontid,waxaa kugu dillaacaya gaaska, bal ka warran hamuunta barqo iyo harraadka duhurnimo, mase ka sabri kartaa koobkii casariyaha, intaas waxaa ka daran qofkii balwad lahaa, laakiin markii maqribka la adimo oo wax la cuno ayay runtu soo baxaysaa: kuwii afurnaa oo uu shaydaanku u sheekeeyay way qoomamaynayaan; waayo,way ceeboobeen, oo Ilaahay bay caasiyeen, ummaddana ma dheera cayil iyo caafimad midna. 

Markaad soontid waxaa soo baxaysa raganimadaada,waxaad noqonaysaa qof go'aan qaadan kara, oo cunto aysan addoonsan Karin,balwadna aysan u bootayn Karin, taas oo macnaheedu yahay wax baan qabsan karnaa, qof ahaan iyo ummad ahaan, kaliya aan awoodeena fahamno, Ilaahayna tala saaranno,waddo sax ahna adeegsanno.

     *insaanka waxaa iskaga darsan dhabta iyo dhalanteedka,waxaa aad ula weyn raaxada adduunka,waana waxa badanaa uu ku halaagsamo. Ramadaanku wuxuu ku taabsiinayaa xaqiiqada, marka aad sooman tahay maalintii waad isla han weyn tahay, oo waxaad isleedahay wax ku deeqaya caawa malaha, laakiin marka la afuro oo wax la cuno waxaa kuusoo baxaya heer aadan dhaafi Karin xiisahaaguna ku eg yahay. Ramadaan wuxuu ku leeyahay: raaxo adduun oo xalaal ah intaas ayaa kaaga filane, xaaraanteeda xaggee u waddaa, han-weyniduna waa waxa aabbaheen Aadam ka soo saaray jannada. 

     *nicmooyinka Ilaahay na siiyay way badanyihiin, laakiin indhaha ayaa la qabsaday, ilaa aan caadaysannay calooshuna ka xiisa dhacday, sidii loo raadinayay wax dhadhamo leh  ayaa PhD lagu qaatay wax-kariska, markii la soomo, xabbadaha timirta ah iyo koobka   biyaha ah macno weyn ayay kuugu fadhiyaan, bal ka waran haddii la waayo ama lagaa  af-qabsado?. Su'aalaha qiyaamaha waxaa ka mid –sida ku soo aroortay xadiith saxiix ah-: "sow caafimaad kuma siinin, biyana kuma waraabin." Ramdaan waxay soo saaraysaa rag qiimeeya nicmada Ilaahay, waxayna naga saaraysaa qafladda. 

     *shaqada naloo abuuray waa cibaadada Allaah,wax kasta oo la haystana waxaa loogu talagalay in shaqadaas loo kaalmaysto, haddii shaqadaas lahayo, wixii ku baxaa meeshii loogu talagalay ayay dhaceen ,wixii kale se waa laysku haystaa , arinkaas waa la moog yahay sida badan, laakiin bisha Ramadaan way na tusaysaa asagoo la taaban karo: mar cibaado la isku diyaarinayo, mar lagu dhex jiro, mar laga nasanayo iyo mar loo nasanayo,waana sida la rabo in noloshu noqoto, waxayna u baahantahay in la fahmo laguna ilaaliyo niyadda ajar xisaabsiga (ixtisaabka), marka waa in bisha Ramadaan tusaale u noqoto bilaha kale, oo nolosha laga saaro wixii aan cibaadada xiriir la lahayn. 

     *insaanku wuxuu leeyahay caqli u tilmaama dantiisa, kuna salaysan aragti dheer walow naftu dhibsanayso,wuxuu kale uu leeyahay caadifad la shaqaysa dareenka dhow iyo waxa naftu rabto oo markaas hor yaalla,waxaana la yiraa: dadka waaweyn waxaa haga caqliga, caruurtana caadifadda, qofka weyn, caqli ayuu isticmaalayaa marka uu u adkaysanayo kharaarka daawada iyo xanuunka cirbadda; si uu caafimaad u helo, caruurta se waxaa u daran siday uga fakan lahaayeen khraarka iyo xanuunka markaas muuqda, mana laha caqli ay ku fiirshaan ciribta dambe, sidoo kale waxaa la mid ah haddii qofka caqliga leh taqtarku ka reebo waxa macaan,wuu ka tagaa inkastoo naftiisu rabto, laakiin caruurtu way u dhuumanayaan lagamana karo. Caruurta waxaa la mid ah qofka caadifadu ka qaalib tahay iyo qofka balwadda leh oo aan iska qaban Karin wax uu ogyahay in ay u daran yihiin adduunkiisa iyo aakhiradiisa . 

     Arinkaan saamayn weyn ayuu ku leeyahay nolosha, qof ahaan, qoys ahaan iyo ummad ahaan; sidaas darteed ayuu islaamku amray in la fakaro, lana fiirsho ciribta dambe; si aan loo noqon indho-ku-garaadle. 

     Ramadaanku wuxuu ku barayaa in aad ka tagtid wax hortaada yaalla oo naftu jeceshahay, adoo wax ku dhisaya qorshe dheer oo aakhiro u dhaadhacaya, taas oo ku anfacaysa noloshaada, kaana dhigaysa nin rag ah oo aan fududaan, lana ficiltamin xaaladda taagan, ee wax isku miisaama, kana fakara mustaqbalka dambe. 

     Qoysas badan ayaa ku burbura caadifad,  xanaaq iyo in lagu aarguto dalqadaha oo la sayro, ayadoo aan laga fiirsan xaajada, wax badan ayaa noo cayman lahaa bulsho ahaan haddii caqliga la isticmaali lahaa, oo laga faa'iidaysan lahaa xadiithka macnihiisu aha:  mu'min yuusan nicin mu'minad (xaaskiisa), hadday leedahay dabeecado aan raali galinayn, wuxuu ka helayaa dhinacyo kale oo raali galiya. 

   Haddii sidaas looga fakarayo qoys kaliya, soo ma habboona in boqol jibbaar looga fakaro aayaha ummadda, lagana ilaaliyo laablakaca?.   

 Diintu waxay ku fidday, ummaduna ku cisowday kaadsiimo iyo tillaabo taxaddar leh, nabiga (calayhisalaatu wasalaam) ayaa diiday in la halaago reer Daa'if asagoo ka raja qaba islaamka caruurtooda, markii dambana Daa'if waxay ka mid noqotay afartii magaalo oo ku sugnaaday islaamka waqtigii riddada, maantana waxaa degan ciiddaas oo muwaxidiin ah, haddii annaga caadifadeena la raaci lahaana, waxay ila tahay in ay  ahaan lahayd sida Baxrulmayit ama bacaadka buuraha  Axqaaf (waa meelo qolyo lagu halaagay)

 Allow caqligu na hago, caadifaduna na halaagin ... Aamiin 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola