Waxan rabnaa bisha quraanka iyo soonka iyo toobada, danbi dhaafka inaan ka faaidaysano oo ayna jikadu noqon hamigeena.
Iga gudoon afkaartan :
- soo iibso cajalado diini ah si aad u dhagaysatid markaad cuntada karinaysid, si aad cilmi ukorsatid bisha ramadaan adoo cunto karinaya.
- waxa muhiimka ah ku biloow xaga cuntada kariska.
- cuntada inta ay dabka kuu saarantahay, sii samayso cuntada kale, sida saladka iyo biyaha inaad talaagada sii galisid ama timirta sii diyaarisid iyo shaaha, taas waa tusaale.
- hadaad tahay qof meel aada subaxdii iskool ama shaqo, habeenka sii diyaarso hawsha afurka, sida inaad baradhada sii jarjartid, ama wax kami ah cuntada sii samaysid, ama khudaarta sii jarjaratid.
- cuntada adoo karinaya hadii wax sii wasakhoobaan hore udhaq si aysan wax dhaqida kugu badan.
- suxuunta balaastika ah iyo koobabka balaastika cuntada ku sii dadka si aadan uxalin weel badan. ( hadii ay hawsha weel dhaqidu kugu badan tahay )
- hilibka habeenkii ka soo saaro talaagada si aad u isticmaashid isagoo kuu dhalaalay. Ama biyaha ku karkari habeenki si aad u isticmaashid bari isagoo bisil.
- maalintii sii saaro miiska timirta iyo koobabka iyo weelka iwm, ha sugin inta laga gaarayo ama ka soo dhawaanayo xiliga afurku si aad u dhigtid.
- ciyaal aan soo manayn hadii ay kuu joogaan, wax fudud adoon is kalifin sii oo ugu talagal, ama afurka wixii soo hara ayaa loo dhigaa si loo siiyo qadada bari.
- khudaarta aad isticmaashid jarjaro mar walba oo talaagada ku rido iyagoo badan oo inta aad ubaahantahay kala bax.
- istiqfaarka iyo dikriga ilaahay mar walba afka ku hay.
- ciyaal haday kula joogaan ku shaqayso oo udirso hawlaha yaryar, sida inay miiska wax kuu saaraan, wax kuu dhaqaan, ama kuu diiraan iwm.