geysiis Muhiim: Walaal ka qeyb qaado Dhismaha Masjidka Quba

Waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku nool Europe ama Qaaradda Ameerika ama daafaha dunida-ba ugu baa qeynaa inay ka qayb qaataan dhismaha Masjidka Qubaa ee laga hirgelin doono dalka Holland, walaalayaal mashruucan ayaa ah mashruucii ugu horreeya laga fuliyo waddanka Holland.

Walaalayaal nabigeena xabiibkeena sallalaahu-calleyhi -wasallaam wuxuu leeyahay( وفي الصحيحين أن النبي صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قال: مَنْ بَنَى مَسْجِدًا يَبْتَغِي بِهِ وَجْهَ اللَّهِ بَنَى اللَّهُ لَهُ مِثْلَهُ فِي الْجَنَّةِ)

(In correct that the Prophet peace be upon him said: It is intended to be a mosque built by the face of God like God has a built in Paradise).

(Qofkii Dhiso masjid isagoo ula jeedo Allaah dartii, Allaahne waxa uu guri ugu dhisaa Jannada )

Su aaal ?!!

Ma Dooneysaa in uu Allaah guri kaaga dhiso Janada ?

Jawaab: 

Haaa haaa qofkastoo mu’min ah Jawaabtiisa waxay noqoneysaa ma qof aan dooneyn ayaa jira in uu Allaah subxanahu watacaalaa uu guri ugu dhiso Jannada soo maahan sababta aan u dukanaayo soo maahan sababta aan Allaah ugu cabsanaayo.

Walaalayaal Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu nagu yaboohayaa in aan ka qeyb qaadano dhismaha masaajiddada Alle.

Daawo Vidoe-ga Masjidka: http://youtu.be/5XillqAcm74 

Waa sadaqo Jaariya ah, sida Nabigeena (SCW) ka sugan. ( فعَنْأَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ مِمَّا يَلْحَقُ الْمُؤْمِنَ مِنْ عَمَلِهِ وَحَسَنَاتِهِ بَعْدَ مَوْتِهِ عِلْمًا عَلَّمَهُ وَنَشَرَهُ، وَوَلَدًا صَالِحًا تَرَكَهُ، وَمُصْحَفًا وَرَّثَهُ، أَوْ مَسْجِدًا بَنَاهُ، أَوْ بَيْتًا لِابْنِ السَّبِيلِ بَنَاهُ، أَوْ نَهْرًا أَجْرَاهُ، أَوْ صَدَقَةً أَخْرَجَهَا مِنْ مَالِهِ فِي صِحَّتِهِ وَحَيَاتِهِ يَلْحَقُهُ مِنْ بَعْدِ مَوْتِهِ. رواه ابن ماجه وحسنه الألباني)

(Fnabi Hurayrah said: The Messenger of Allah peace be upon him that will reach a believer to do good deeds after his death note his knowledge and published, and a righteous son whom he left, and the copy of the Koran and inherited as a legacy, or a house for wayfarers built, wayfarers, or charity that he gave his money in his healthand his life inflicted after his death. Narrated by Ibn Majah and al-Albaani classed).

Waa camal aan kaa go’aynin oo kuu socda adigoo nool iyo haddii aad dhimataba, adigoo qabriga ku jira.

Waxaad kaloo wax ugu dari kartaa waalidkaa haddii uu noolyahay, iyo haddii uu dhintay.

Markaa walaalayaal, waa fursad qaali ah ee halaga faa’ideysto oo Ilaahay aktiisa wax hala dhigto walaal, Ma ogtahay in maalka aad hada bangigga ku heyso ama guriga dhigtay in aadan ku waareyn, laakiin haddii aad sadaqo Masjidka kaga bixiso waad la waareysa lacagtaada Jaaizo kan ugu Qiimaha badan Boqorka aduunkane subxaanahu watacaalaa bixinaayo ayaad ku heleysaa.

Waxaa Alle mahaddii ahaaday in lacagta dhismaha Masjidka inta badanaa oo hadda la haayo waxaane walaalaha ka codsaneynaa inay dhameystirka Masjidka nagala Qeyb qaataan, camalne waxaa ugu kheyr badan khawaatimada .

Qaab dhismeedka masjidka Qubaa ee Holland daawo Video-gan.

http://youtu.be/kWWRAfRDSuk 



Sidoo kale, waxaan walaalaha aan awoodin inay lacag ugu Qeyb qaataan Masjidka waxaan ka codsaneynaa inay walaalahooda ku guubaabiyaan dhismaha Masjidka amaba inay wakhti kasto ducada nagu kaalmeeyaan in uu Allaah Masjidkan inoo dhameystiro Insha Allaah.

Fadlan Nagula Soo Xiriiir: 

Facebook          : Masjid Qubaa Holland

Email                   : info@markazQuba.org

Bank nummer  : 447958534 ABN-AMRO

IBAN                   : NL03ABN0447958534

Bic                        : ABNANL2A

Sadaqada Masjidka Telefoon: 0031 (0) 681534429, ama  0031 (0) 614876382.

masjid qubaa
 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola