Bismillaah..
Waxaa farxad weyn inoo ah in bishii barakeysneyd fooda inagu soo hayso quluubtaa ku faraxda�.dhagahaa� maqalkeeda u xiisa, waa bil hilowgeedu nagu dheeraaday,waa bil farxadeeda  darteedm �indhuhu la ilmeeyaan. hadalkuna la soo bixi waayo waa Bil qofkii Alle gaarsiiyo waajib ay ku tahay inuu malaayiin jeer ku mahdiyo�, waa Fursadii cumriga, qofkii Alle waafajiyo inuu wanaag ku dhex sameeyo bishan lagana aqbalay�waxay ka dhigan tahay isagoo��ku guuleystay adoonku wixii Alaah u diray, � waa Galad xag Alle katimid.

Iskuma sheegeyno�� fadliga bishaan iskumana sheegayno��taariikhda bishaan,�iskumana shegayno� waxyalaha ay haboon tahay in la qabto�, waxanse isku sheegaynaa sidaan u soo dhoweyn lahayn bishaan iyo dadkii hore ee salafka sideey u soo dhoweyn jireen bishaan qaaliga ah� si aan u helno�� Midhihii Soonkeena� si aan ugu tartano� khayrka sahayna uga dhigano� camal walboo wanagsan��si aan u xaqiijino hadafka soonka 
Salafkii umadaan waxay�ahaayen� tusale wanagsan� sideey ugu dadaali jireen� inay ka faaideystaan�� bishaan�� waxaa laga wariyaa sheekooyin wanaagsan waxana ka midda


Dad�salafkii� ka midda ayaa waxay iska iibiyeen� Jaariyad� waxana ka iibsaday dadkale.markuu Ramadankii soo galay� ayaa dadkii cusbaa ee soo iibsaday jaariyadaan waxay�bilaaben inay soo gataan noocyo�kala duwan� oo cuntooyin iyo cabitaano ah kadib markey aragtay jaariyadii� arintaan way�la yaabtay� waxayna waydiisay waxay ku sameynayaan waxan�ay soo iibsadeen� markaa ayay ku yiraahden� waxan u soo iibsanay� inan ku soo dhoweyno�bisha� ramadaan, markaa ayay hadana iyadoo la yaaban waxay tiri�oo Ma soontaaan miyaa ramadaanka mahee?walaahi baan ku dhaartee waxan ka imid dad�sanadkoo dhan u yahay ramadaan,�igu celiya��dadkaad iga soo iibsateen! waxa�loo celiyay� sayidkedii laga soo iibsaday, waa fahamka saxda ah ee bishaan waxay garatay

Xageen ka joognaa jaariyadaa garatay in bishu ahayn bil cunto iyo cabitaan lakina ay tahay� bil� looga gol leeyahay Taqwa inay� kuu korodho..isbdel dhab ahna laga arko dhaqankaaga.
waxaa kaloo laga wariyay� Xasan bin saalix�� kana mid ahaa� dadkii cibaadada badnaa,,Alle ka cabsigana �badnaa� waxay u kici jireen isaga iyo hooyadii iyo walalkii habeenkii�salaatu layl,�way kala qaybsan jreen habeenkii midba qaar ka midda�habenkii ayuu kici jiray� markeey dhimatay hooyadii isaga iyo walalkii ayaa kala qaybsan jiray habeenkii midba nus�ayuu kici jiray. markuu�walalkii dhintayna isagaa habeenkii oo dhan�u wada kici jiray� Salaatu laylka


waxay ahaayeen salafkii wanaagsanaa kuwo ku dhameeya quraanka� Ramadanka sadexdii�maalmoodba mar� qaarkood waxay ku dhameyn jireen 7 maalmood� qaar kale10 maalmoodba mar.,qaar waxay gaarsiiyeen marka la gaaro tobonka danbe ee ramadaan inay dhameeyeen haben walba mar quraanka,. Ilaahay hanaga yeelo kuwii ku dayda�dadkii wanaagsanaa ee ummadaan� kuwaasoo kudayasho wanagsan naga mudan
Imam Azuhari wuxu ahaa haduu ramadan soo galo��mid joojiya�� akhrinta xadiiska� iyo majaalista cilmiga� wuxuuna� u weecan jiray dhinaca akhrinta quraanka, sidoo kale� Safwaan Athowriyu wuxu ahaa� markuu ramadan soo galo� mid ka taga�� cibaadooyinka kale oo dhan una weecda akhrinta quraanka,waxay fahansanaayeen in Ramadan tahay bishii quraanka sidoo kale ajarku laba laab yahay bishuna ka khayr badan tahay kun bilood..


Salafkii ummadaan waxay ahaayeen� kuwo�� naftooda�� uga jeclaan badan�walalahood� xitaa ha noqoto inay siiyaan afurkooda iyagoo sooman� gaajadana ku jooga� ama waxay heli karaan cuna ,�waa huris meshii u sareysay� baan oran karnaa 
ibnu cumar(rc) wuxuu ahaa mid la afura agoonta iyo masaakinta, waxay ahaayeen qaarkood� kuwaan kaligood cunin waxa loo keeno ee cunto ah�masaajida ayay geyn jireen� cuntada�si loola wadaago hadeey wayaan cid la cunta� banaanka ayay ula bixi jireen� si ay u helaan�� qof la cuna. waa naxariista iyo ka war haynta musliminta oo ku weyneeyd naftooda.
waxay fahamsanayeen� ajarka weyn ee qofka qof afuriyaa�leeyahay(qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay� ajarkiisii oo kale �isagoon laga dhimeyn kii soomanaa ajarkiisii waxba) Xadis.

Hadaba�� walalayaal naftayda ugu horeyn� iyo tiinaba waxan isku dardaarmaynaa inan ka faaideysano�soona dhoweyno� Martida inagu soo fool leh� sida ugu haboon.sanadka danbe inan gaareyno Alla oge, Alloow noo barakee shacbaan Ramadana na gaarsii ,aamin 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola