Waxyaalaha soomka jabiya

Qaar ka mid ah waxyaalaha hadii lagu kaco ama la sameeyo uu soomku jabayo\burayo:

●Galmada

● Cabida\Cunida sida ula kaca ah 

● Irbadaha cuntada lagaga maarmi karo

● Ruuxa dhiiga lagu shubo 

● Iska matajin (iska hunqaacin) 

● Dhiiga caadada\dhalmada haday gabadha iyadoo sooman ku yimaadaan soomku wuu ka jabayaa. 


waxyaalaha la samayn karo soomka dhexdiisa

qaar ka mid ah waxyaalaha qofku samayn karo intuu sooman yahay, isla markaana aan jabinayn\burinayn soomkiisa:

● Cadayashada: waxaa laga yaabaa inaad maqashay in cadaygu jabiyo soomka, ama ay jiraan wakhtiyo aan maalinkii inta la soomanyahay aan la cadayan karin.Xaqiiqdu waa inuu qofka soomani cadayan karo wakhtiguu rabo maalintii, intuu sooman yahay.

● Maydhashada (qubayska)

● qofku inuu isqurxiyo soomka ma jabinaso (sida inuu indha kuusho, shanlaysto ama saliidaysto)

● Wixii galmada ka sokeeya oo ninka iyo xaaskiisa dhex mara (sida taabashada iyo dhunkashada)

● qofka cuntada karinaya cuntada wuu dhadhamin karaa laakiin maaha inuu liqo, waa inuu tufo.

 Qofka is ilaawa oo isagoon is ogayn cunto cuna ama wax soomka jamiya ku kaca, kama jabayo soomku.

● Sidookale qofka sameeya waxyaalaha soomku ku jabayo isagoo jaahil ka ah, oon garanayn inay waxani soomka ka jabinayaan iyo in kale. Qofkaasna soomkiisu kagama jabayo sidaa. 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola