Qaybtan u dambaysa qormadaan kaga hadlanay Ramadaanta, waxay noqonaysaa talooyin\waanooyin ku saabsan bishan. Talooyinkan ama waanooyinkani waxay isugu jiraan kuwo waajib ah ah oo ay tahay in la sameeyo kuwo sunneh ah iyo kuwo aan intaa midna ahayn balse idin anfacaya insha allah.

La i moow wax yaalahan bisha Ramadaan:

Soomis allah dartii aad u soomto oon istus-tus iyo magac ku raadin ku jirin.

Salaad, duco iyo quraan akhris badan la imoow, quraanka u akhri si kabadan saad u akhrin jirtay markii hore. Una kac salaada habeenkii.

Sadaqo ka badan tii bilaha kale la bax, oo quudi masaakiin badan oo waxay cunaan sii hadaad karto.

Badso masaajida iyo goobaha khayrka lagu hayo, dadka u faaiidee ama ka faaiidayso culuumta diinigaa.

Hadaad awoodo bisha Ramadaan cumrayso, cumrada bishani waxay u dhigantaa xajj.

Ramadaantu maaha bisha cuntada: waxaad arkasaa dad badan oo cunto guryaha ka soo buuxsanaya, maalintii oodhana dhari dul taagan oo cunto karinaya. Dadka noocaasi bishiiba macnihii ay lahayd way ka badaleen oo bishii cibaadada bishi cuntada bay ka dhigeen waana khalad!, ee bisha macnaheeda haka badalin.

Ramadaantu maaha bisha ciyaarta: dad badanbaa wakhti lumis iyo ciyaarista laadhuu,turub iyo daawashada aflaamta u dhaqaaqa, iyagoo ku andacoonaya inay wakhtiga isku dhaafinayaan. Dadka noocan ahi khalad bay bisha ka fahmeenoo wakhtigii la rabay in laga faaiidaysto bay dayacayaan.

Dib u dhig suxuurta:dadka qaarbaa markay fiidkii seexanayaan cunto isku gura oo dhaha suxuurtii baan sii cunaynaa.Ha samayn saas, u kac suxuurta wakhtigeeda oo suxuuro ajar baa ku sugane.

Ha isku ilaawin cuntada markaad afuraso, oo yaysan salaada makhrib kaa tagin. Cuntada ka kac oo salaada soo tuko waad u soo laabanasaa wixii illahay kuu calfee!

Afkaaga ilaali markaad soomantahay oo wax walba haku hadlin hana ka hadlin.

Hadaad cid wakhtiga la qaadanasid dadka aad wanaaga ku tuhmaso la qaado oon dambi ku galinayn. Wixii wanaag ahna aad kala faaiidaysanasaan.

Quraanka dhagayso oo akhri intaad xifdisantahay markaad cuntada karinaso, waa hadaad cunto karinasee.

Noqo mid dulqaad badan bishan oo dadka farxad ku qaabil iyo furfurnaan.

Isku day inaad cafis waydiisato ama cafido haday dad xumaan hore idiin dhex martay.

Ku dadaal saad wakhtigaaga uga faaiidaysan lahayd bishan, oo ha iska dayicin inyar oo wakhtigaaga ka mid ah 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola