Sirta ku Dheehan in lagu Afuro Timirta



Timirtu waa miro barakeysan oo Nabiguna NNKH noo dar daarmey in aanu ku bilowno marka aanu afureyno, waxaana laga wariyay Nabiga in uu yidhi:”markii Qofkiin afurayo ha ku bilaabo Timir, maxaa yeelay Barako ayaa ku jirta, haddii aanu helaynina Biyo haku afuramo,maxaa yeelay waa daahirnimo”. 

 Anas, Alle haka raali noqdee waxaa laga wariyay in uu yiri Nabigu waxa uu ahaa mid ku afura inta aanu Tukan ka hor, dhowr xabo aa Rudhab ah, hadii uu waayana Timir, hadii kale dhowr cantoobo oo biyo ah. 

 Waxaan shaki ku jirin, in Sunada wanaagsan ee Nabigu NNKH noo jideeyay ay ku lifaaqan tahey talooyin Caafimaad iyo Fawaa’id kalaba, maxaa yeelay Nabigu cunida Timirta waxa uu ka doortey cunooyinkii kale oo dhan Faa’idada Caafimaad ee ku jirta owgeed, mana aha oo keliya in dhulka saxaradaha ah ee ay ku noolaayeen ka baxdo. 

 Marka Qofka Soomani cunida Timirta uu ku af bilaabo, waxaa diyaar garoobaaya xubnaha Jidhka oo dhan, gaar ahaan Xubnaha dheef shiidka sida Caloosha oo u baahan in wax jilicsan lagu bilaabo, Qofka Soomanina baahi weyn ayuu u qabaa marka uu afurayo in uu helo wax macaan oo si dhakhso ah Jidhka oo dhan ugu  baahaya, si gaajadii heysay uga bi’iyo sidoo kalena biyahu waa u muhiim wakhtigaas. 

 Walxaha Cunadu ka sameysan tahey waxa ugu dhakhsiyo badan in si sahal ah ula fal galaan Dhiiga waa kuwa Sonkorta ka sameysan, gaar ahaan kuwa Sonkortoodu khafiifka ay tahey,maxaa yeelay Jidhku waxa uu awood u leeyahey in kuwaas uu si dhakhso u qaato daqiiqado yar gudahood, gaar ahaan xilliyaga Calooshu ay madhan tahey sida xaaladaha Soonka oo kale. 

 Haddii marka aad rabto in aad hesho waxa kaa gooya Haraadka iyo Gaajada waxa ugu muhiimsan ee ay tahey in aad ka raadiso waa walax ka sameysan Macaan oo hadana aad ka helayso Biyo, marka waa Rudhabka ama Timirta. 

 Baaritaano Cilmiyeed oo dhanka Sayniska ah oo lagu sameeyay Timirta waxaa la ogaadey in (70-75)% ay ka sameysan tahey Sonkor, (20-24)% ay ka sameysan tahey Biyo, (2-3)% ay ka sameysan tahey Borootiin, 8.5% maadooyin kale, sidoo kale ay ku jirto in yar oo Dufan ah, arintaas oo qeyb muhiim ah ka ah Caafimaadka Qofka.

 Baaritaanakii Cilmiyeed ee lagu sameeyay Timirta waxaa la soo ogaadey:-

 1.      In cunidda Timirta ama Rudhabka marka la Afurayo uu Jidhka uu siyaadinayo Nisbo weyn oo ah maadada Sonkorta ah taas oo uga soo kabanayo hoos u dhaca sonkorta ee Jidha, sidoo kalena uu fir fircoon gelinayo.

 2.      Calooshii banaaneyd ee baahneyd waxa ay awood u yeelaneysaa in ay qaadan karto maadooyinkan ka sameysan Sonkorta khafiifka ah, walibana si deg deg ah uu dheef shiideysa si isla markiiba Dhiga ula fal galaan.

 3.      Timirta iyo Rudhabka maadaama ay ka sameysan yihiin maadooyin Sonkor khafiif ah, waxa ay sahleysaa in calaasho si sahal ah u ridiqdo, maxaa yeelay saddex meelood labo meel maadooyinka sonkorta ah ee ku jira Timirta waa kuwo aad u khafiif ah, arintaas oo keeneysa in muddo yar gudahood Dhiiga la falgasho.

 4.      mar hadii Rudhabka iyo Timirtaba ay ku jiraan Nisbo badan oo Biyo ah, taasi waxa ay keeneysaa in Jidhku uu ka maarbo in uu qaato in badan oo Biyo ah marka uu Qofku afurayo 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola