Waxaan idiin soo dirayaa salaan qaaliya iyo xiisaha aan idiin qabo.... intaan la i xidhin kahor... anoo ogaaday in la i xidhi doono 30 maalmood oo aan idinka fogaan doono.... kadib markaan idinla soo joogay sanadka oo dhan.... waxaan rajaynayaa inuu idinka soo bixi doono mid maqanaanshahayga sii buuxiya booskaygii oo aanan dareemin inaan idinka maqanahay....

Yeyna idin cabsi galin wixii dhacay ramadaankii hore.. wixii fikrado ahaa iyo dadaalkii waynaa ee aan idiinkasii tagay... hadana waxaan aragnay malaayiin dadka ka mida oo masaajidada u sii qul qulaya... malaayiin xijaabkii xidhay... aniguna waktigaa waxaan ku jiray xabsiga... aniga oo ay i gubayso naarta cadhada aan u qabay kuwaas...dadaalkii waynaa ee aan u galay sidii aan u lumin lahaa gabadhii dayacnayd waxay kaga bad baaday habeenkii Laylatul Qadriga... kii aan ku riday danbi noockasta oo uu lahaa ilaa uu sameeyeyna aanan ka hadhin waa kii ay indhihiisa ilmadu ka qubatay markuu xasuustay cadhada uu u qabo Rabbigii kadibna loo furay albaabkii Tawbada.


Shayaadiintii insigoow

Inta uu idinka maqan yahay geesigiinii waynaa waxaa idiin taala hawl wayn... sameeya waxaan idin amrayo...waxaan rabaa Ramadaanka inay bartaan bas sida loogu caweeyo ilaa subaxii meelaha la isoogu yimaado....maalintiiyoo dhana inay hurdaan ilaa laga gaadhayo wakhtiga afurka.... ilaa ay caloolahoodu ka buuxsamaan...kadibna ugu siyaadiya nimcooyinka Tvga... waxaan rabnaa... niikis.. waxaan rabnaa wax shahwadooda kiciya... waxaan rabnaa musalsalo faaxisholeh.... waxaan rabnaa fikrado ibliisa.... hana iloobina si ayna u garan dantiina inaad ugu khatimtaan aayado quraana...


Shayaadiintii insigoow

Badiya la kulanka fanaanadaha, fanaaniinta... nikisooyinka.... si ay ugaga sheekeeyaan rawxaaniyada Ramadaanka...& waxa ay wakhtiga Ramadaanka qabtaan.. waxaan rabnaa in sheekada dadku wada noqoto musalsal hebel wixiii ka dhacay.... filimkii usbuuca.. riwaayadii bisha...waxaan rabnaa kooxaha kubada cagta ciyaara hooda... kanaalo badan oo soo daaya heesaha... siyaasada.... doodo qabiil.... marabo inaan arko mid idinka mida oo daqiiqadna ha ahaatee taagan ilaa uu iyaga mashquulinayo mooyaane...sida aad ogtihiin wakhtigeenu wuu yar yahay danteenuna way wayntahay...


Shayaadiintii insigoow

Ma waxaad rabtaan inay galaan Jannadii la inaga soo eryey ee xataa la inoo diiday urteeda wanaagsan?

Ma waxaad rabtaan inay soo marto daqiiqado tawbo ah oo dumisa wixii aan soo dhisaynay sanado aad u badan?

Miyaanan idiinka sii digin in midkooda la kulma habeenka Laylatul Qadriga loo dhaafayo dunuubtiisii hore oo dhan?

Maya oo kun jeer maya waad hungowdeen ood khasaarteen hadaad u daysaan taas... miyeydan Jaxiima u doonayn dad inala daga? Meesha cadaabka u hoosaysa uma rabtaan miyaa kuwo daga? Kuwo jecel Saqara ma rabtaan miyaa & geedkii Zaquum?.... meeday quluubtiinii dhimatay & caqliyadiinii shadaanka ahayd.

Adigana Xaawaay

Adiga dawrka aad ku leedahay umadu waa mid wayn...waxaad tahay waxa ugu wayn ee badali kara ninka... waxaan rabnaa inaad cawaysiiso... u niikiso... waxaan rabnaa inaad shahwadiisa kiciso... meel iska dhig taraawiixda & quraankan aad wakhtigii ku lumisay.. miyeyna kugu filayn soonku bas... maalintiina ku fikir sidii aad usamayn lahayd afur macaan.... afurkana ku sug musalsalkii hebel ahaa....


Dhamaantiin ilma aadamoow

Imaqla waxaan ahay mid idiin nasteexaynaya oo amiin ahe... ha isku mashquulinina Ramadaanka oo ihtmaam ha siinina..... iska daaya salaada aad u tukanaysaan Rabbigiin.... iskana jira inaad akhrisataan aayadaha Quraanka... Ramadaanku waa wax soo noq noqda... wakhtigaa u toobadkeena rabigiin...laakiin hada isku mashquuliya sidii aad ugu shugri naqi lahaydeen bush & shayaadiintiisa... kor kooda ha ahaato raxmada ibliisyadoo dhami...

FG: waxaa laga yaabaa qaarkiin inay ku qoslaan hadaladan, qaarna ka ooyaan, qaar kalena ay caadi u arkaan... hadaba keed tahay adigu. 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola