Soonku waa nicmo aad u qiimo badan oo Illaah uu ummada Islaamka ah ku manaystay.

Dhammaanteen aad baan ugu faraxsanahay bishan khayrka iyo barkada badan. Hadaba si aad ugu guulaysato barkooyinka iyo khayraadka maalmahan kooban ee tirsan, maxaad qorshaysatay ama aad rabtaa inaad ka faa�idaysato?.Waa fursad laga yaabo inaanay ku soo mari doonin mar danbe, waayo imisa ayaa inala soomay oo inala tukaday sanadkii hore!! Laakiin dhintay intii u dhaxaysay labada Soon! Hadba haddii adiga Illaah ku gaadhsiiyo fursadan isku day inaad ka faa�idaysato si aanay xujo iyo tiiraanyo kuu noqon Illaah hortiisa. La soco saacaddii tagtaa mar labaad inaanay mar labaad soo noqon doonin.

Nasiib daro muslimiinta maanta nooli aad bay ugu fogaadeen xikmadii Illaah swt uu inoogu farad yeelay soonka. Soonku ma aha cunto, caways , hurdo..

Ma is waydiisay maxaa kuu diyaar ah, haddii aan tusaal e ka soo qaato qaysaskeena badanaa waxaan is waydiin maxaan cuni doonaa? Kharashka Soonka sideen u dabaraa? Aan sii barto cuntooyin kala duwan oon u sameeyo reerkayga? Iwm. Bal u fiirso wax la cuno iyo cabitaan uun baan ku mashquulsanahye.

Hadaba calooshii iyo jidhkii waynu u fikirnaye maxaan u diyaarinay nafteena iyo ruuxdeena? Maxaan u diyaarsanay si aan ugu guulaysano fadliga iyo khayraadka faraha badan ee Rabbi swt uu inagu manaystay.

Si aan hadaba uga faa�idaysano fadliga, kheyrka iyo barakada Bisha Ramadaan, waxaa loo baahan yahay in qof kasta iyo qoys kasta aan samaysano qorshe qoran si aan ugu guulaysano Raxmada , Danbidhaafka iyo iyo Ka xorowga naarta idanka Illaah.

Isku day inaad naftaada iyo ruuxdaadaba u sii diyaariso qaabilida bisha Ramadaan. tusaale ahaan, adiga oo ka bilaabaya:

  • Badso ducada iyo dikriga gaar ahaana: marka aad sujuudsan tahay, marka aad tukato shanta salaadood, aadaanka ka dib, habeen badhkii..........iwm. badi ducadan qiimaha badan : ILLAAHOW NOO BARKEESHACBAAN NA GAADHSIINA RAMDAAN. Aamiin
  • Barashad a axkaamta iyo aadaabta ku saabsan Soonka.
  • Niyad run ah / sax ah � inaad niyaysato inaad fuliso qorashaaga aad raacdo jadwalka aad samaysatay inta ugu badan ee aad awoodo si aad u hesho ajrka ugu badan eed awoodo.
  • Ka Toobadkeenid run /sax ah danbiyadaadii hore � isku day inaaad xasuusto kuwii ugu waawaynaa.
  • Bilow camalo suusuuban oo faa�ido kuu leh adduunkaaga iyo aakhiradaaba sida Qur�an akhris, salaad sunne, sadaqo, soomida maalmo ka mid ah bihan Shacbaan.
  • Dhaqan toosinta naftaada � dhaqamadaada xunxun kuwa ugu sii xun inaad joojiso sida; googoynta salaad, xanta , beenta , isku dirdirka,casiyida waalidka, eegida iyo dhagaysiga xaraanta, qalbi xumida, sagsaaga xijaabka ..........iwm.
  • Kordhinta cibaadada � sida salaadaha sunnaaha ah sida: salaatulaylka, salaada Taraawiixda, salaada duxa ( barqada), salaada Watriga iyo sunaha ka dabeeya ama ka horeeya salaadaha shanta ah....iwm.
  • Ka nadiifi qalbigaaga cudurada quluubta Sida xasadka, cuqdada, qabiilka, naca, istusnimada iwm.
  • Saamixida cidii ku dulmiyay waayo waxba kuu tarimayso in Illaah u ciqaabo adiga dartaa, sidoo kale cfis waydiiso qofkii aad denbi ka gashay.
  • Celinta xuquuda dadka aad ka qabto sid a: ammaanada ama deynta- ha yaraysan xataa irbad ha ahaatee, daynku iyo wax ka kasta oo aanad lahayn noocuu doonoba ha ahaato e.
  • Xidhiidhinta ehelkaaga meelkasta oo ay joogaan xataa ha noqoto inaad telfoon kula dhiidho ama aad email u dirto adigoo ugu hambalyaynaya bisha Ramdaan.
  • Niyayso inaad Illaah sw dartii nooshahay, wax kasta oo aad qabanaysona dar Illaah sw u samee noocuu doonoba ha noqdee, xataa maka aad wax cunayso, seexanayso, shaqaynayso, gurigaag nadiifinayso ama aad cunto ukarinayso reerkaaga, adeeganayso.......iwm si noloshaada oo dhami u noqoto cibaado.
  • Badso dhagaysiga Qura�anka, Muxaadarooyinka iyo brnaamijyada diiniga.

Talooyin u khaas ah hooyada muslimada ah:

  • Nadaafad xoog leh (olole nadaafadeed) inta aan soonka la gaadhin.
  • Adeeg guudahaaneed soonka ka hor. Qor liiska waxkasta oo aad u baahan kartid soonkaxataa haado xawwsh yar.
  • Habaynta waqtigaaga
  • yaree waqtiga jikada aad taagnaanayso
  • samee cunto khafiif ah oo nafaqo iyo dhadhanba leh
  • Ku baraauji caruurtaada, ehelka iyo asxaabtaada fadliga Soonka.
  • Ka warhaynta jaarka
  • Joojinta cayda iyo nacdasha
  • dhagaysiga Qura�anka si joogto ah.

Soonku waa fursad si aan isga maydhno danbiyadeenii hore, waa fursad Illaah inoogu talo galay si aan wax uga badalo dhaqankeena, nafteena, ruuxdeena, waa fursad si aan uu buuxino tamarta ruuxdeena si aan u waajahno cidhiidhiga iyo cadaadiska aduunka ee ina hareereeyay.

Walaalayaal waxaan naftayda iyo nafihiinaba idinkula dardaarmayaa inaan ka faa�idaysano inaan ka faa�idaysano fursadan qaaliga ah. Allaahna swt aan ka rajayno inuu inaga dhigo kuwa uu u Naxiirsto, kuwa uu u denbidhaafo iyi kuwa uu naarta ka xoreeyo aamiin Yaa Rabbi.

Isku day inaad samaysato jadwal ama nidaam aad raacdo.jadwalka la socda maqaalka bal eeg inuu ku anfaco ayaa laga yaabaaye. Sii badi si kheyrku inoo wada saameeyo.

Walaalayaal nagu dara marka aad ducaysanaysaan 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola