Live mutamarka South-afrika-capeTown Fatxusalam TV
Live muxaaadaro cinwaankeedu yahay ganacsiga iyo axkaamateeda by sheikh M shible

 

ogeysiis:- waxaa inoo socdo mux cinwankeedu yahay khatarta dilka culumada iyo fataawooyinka shaadka ah by sh abyad (Ramaas &iftin)
Live Duurus tixan sh abyad halgan TV Fatxusalaam TV
waxaa inooo socdo muxaadaro         (khatarta dilka culumada iyo fataawooyinka shaadka ah 
 
 
 

 

 Zakaatulfiditrigu waa waajib rabaani ah  oo allaah subxaanuhu wataacaalaa nagu adoonsaday waxaana laga rabaa qof kasta hayaraado ha waynaado, axkaamta fitradana dadku wuu yaqaan intiisa badan , qof kasta oo qormadan akhrista waxaan filayaa inuu heli karo cid u faahfaahisa.

Hadaba halkan waxaan walaalaha ku baraarujin lahaa xikmada xeesha dheer oo allaah u jideeyey zakadaan qaybo kamida:-

1)   Quudinta Masaakiinta

Hadafka koowaad oo allaah u jideeyey waa quudinta masaakiinta sida xadiithkaba ku cad si ay maalitaas ciida ah oo muslimiitu farxayso ay farxad ugu ciidaan.

Quudinta dadka baahan aadbaa islaamku u booriyey caam ahaan waana waxyaalaha janada lagu galo sida quraanku ku tilmaamay ahlu janaha inay ku sifaysan yihiin quudinta ay cunto siiyaan dadka baahan allaah dartiis, halka naarta saqara layiraahdo ahalkeedu ku calaacaleen inaysan tukan jirin masaakiintana aysan quudin jirin.

Quudinta fuqarada iyo dadka liita waxaa ku jira bulshada muslimka ah oo isu naxriisata allaahna uu markaas u naxriisto, halka ay kujirto bulshada oo is jeclaata sidoo kale waxaa ku yaraanaysa jariimada iyo tuugada iyo is nacaybka.

Sanadkaan ciidul fidrigu wuxuu kusoo aaday ayadoo soomaaliya ay baahidu cirkaa isku shareertay mana aqaan meel aan ka tilmaamo baahidaas makuwa magaalooyinkoodii ka qaxay oo ku dhibaataysan ceelasha biyaha oo daadsan gobolada soomaaliyoo dhan mise kuwa abaarta la isugu daba xiray intaasoo sano oo xoolahoodii kasoo xarooday mise kuwa xerayaha qaxootiga ee Kenya iyo yaman ku tabaalaysan,ayadoo intaa ay dheer tahay shaqo la,anta baahday iyo fuqaradii bulsho walba caadiyan ay lahaan jirtay.

Baahidu meesha ay gaartay dhawr ramadaan oo isku xigay ayaa sakaatulfidriga waxaa ii wakiishay walaalo soomaaliyeed oo dalka dibada ugu maqan ilaa ramadaankaan bilawgiisii waxaa igu socday dalabaad boqolaal qoys ama ayagu ha ila xiriireen ama cidkale haka qaylo keentee qisaskoodana aanan halkaan kusoo koobi Karin oo xataa aan ku qancin kari waayey war ma hubo in cidi i wakiilan doonto.

Hadaba walaalaha soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay sakadaan uga faaiideeyaan walaalahooda aadka ugu baahan.

2)  Daahirinta Qofka Sooman

Xikmada labaad sida xadiithkaba ku cad waa daahirinta qofka sooman looga dahirayo wixii laqwi ah oo ka dhacay intuu soomanaa.

Dahirada naftuna waa shay aad ay diintayadu noogu boorisay wuxuuna allaah quraankiisa ku sheegay inuu liibaanay qofkii naftiisa dunuubta iyo akhlaaq xumada ka dahira sidoo kalena uu hoogay qofkii wasakheeya (aan dahirin).

Hadaba naftaada ku dahir zakadaan iyo sadaqooyinka kale maxaa yeelay qofkii naftiisa bakhaylinamadeeda ka adkaada waa liibaanaa aduun iyo aakhiroba

Axkaamta Zakada Fidriga:-

 

 

Zakada Fidriga waa waajib sida uu cadeeyay Rasuulka Suuban (scw), waxa ayna ku waajibtaa qof walba oo Muslim ah oo heli kara xiliga ay waajibto wax ka badan Quudkiisa iyo Quudka kuwa uu Masruufo, waxa ay Culimada Diinta aqoonta u leh yiraahdeen Qofkii Deensada lacag si uu saga bixiyo Zakada Fidriga waa u banana tahay..

 

 

Yeey ku waajibtaa Zakada Fidriga:-

 

Waxa ay ku wajibtaa qof kasta oo Muslim ah, Xor ama Adoon, Lab ama Dhedig, Qof Weyn ama Qof Yar, hase yeeshee Dadka dhintay ka hor inta aysan waajibin lagama rabo ama Dadka dhasha xiliga ay Waajibtay ka dib.

 

 

 

Waqtiga ay Zakada Fidriga Waajibto ayna Dhamaato:-

 

 

Waxa ay waajibtaa laga bilaabo Qorax dhaca Maalinta ugu dambeysa Ramadaanka, waxa ayna ku egtahay marka la tukado Salaada Ciida, waxaana la bixin karaa Maalin ama laba Maalin ka hor Dhamaadka Bisha Ramadaan.

 

 

Qadarka la bixinayo:-

 

 

Waxaa la bixiyaa Suus Cunooyinka la Beego ah, ama 2,500kg oo Cunooyinka la Miizaamo ah sida ay Cadeeyeen Culimadii Diinka aqoonta sare u laheyd, waxaana laga bixin karaa Dhamaan noocyada Cunooyinka kala duwan oo dhan.

 


Xikamada loo Bixiyo:-

 

Ulajeedada loo bixiyi Zakada Fidriga waa in ay kabtaa wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay Ruuxii Muslimka ahaa ee soonaa, isla markaana in ay Quud u noqotaa Masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta.

 

 

Sida loo bixiyaa Zakada Fidriga:-

 

 

Waxaa uu Ruuxa Zakadiisa ama tan Eheladiisa oo dhan siin karaa hal ruux ama waxa uu u kala qeybin karaa Dad fara badan, mana jirto hab gaar ah oo loo bixiya sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doonayaan in ay Zakeeyaan, sidoo kalana Malaha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo marka Zakada Fidriga la bixinaayo.

 

 

 

Baraarujin:

 

 

-  Zakada Fidriga Ruux aan Muslim aheyn waxba lagama siin karo, laakiin waxaa wanagsan in Sadaqooyinka kale wax laga siiyo maadaama uu Miskiin yahay.

 

 

-_Zakada Fidriga lama siin karo Ruux uu Masruufkiisa kugu waajib yahay sida labadada Waalid iyo Caruurtaada iyo Xaaskaaga, waxaase uu ruuxa siin karaa eheladiisa waayo waa Sadaqo iyo Xariirin wax Qaraabada la siiyo.

 

 

- Ruuxii iloobaa bixinta Zakada waxaa uu gudayaa markuu soo Xasuusto wax dembiyana looma heesto,  Ruuxii si ula kac uga tagaa waa Dembiile laakiin Diinka ugama baxaayo sida Ruuxa haduu bixin waayo Zakada Maalka oo kale. 

 

This free website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a free website with Yola